Petition updateDefend Our Territorial Sea; Stick to Law No. 37Soomaaliya oo Garteeda u Dhiibatay Waraabayaasha Badda

Somali Territorial Seas Defence InitiativeMogadishu, Somalia
Aug 9, 2014
SomaliTalk ayaa soo bandhigtay xog ah in Kenya xubin ka tahay guddiga UN-ka ee go’aamada ka gaarta xadaynta badaha. SomaliTalk way ku mahadsantahay xogtaan muhiimka ah.
Madaxweyne Xasan ma waxa uu Garab siinayaa Mr Simon Njuguna si Badda Soomaaliya Qayb loogu Gooyo Kenya, horraanta 2015
http://somalitalk.com/badda/difaacid02.html
Faalladii SomaliTalk.com | August 9, 2015
"Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran." Sidaas waxaa June 6, 2013 shaaca ka qaaday golaha wasiirada ee DFS.
Waxana go'aankaas golaha wasiiradu tibaaxay "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed."
Taas sidii loo ogaa ayaa mar qura waxaa laga war helay 21-kii July 2014 in madaxweynaha DFS uuqaramada Midoobay u gudbiyey qoraal gebi ahaanba ka soo horjeeda qodobada kor ku xusan ee golahiisa wasiiradu ay hore u soo saareen.
Qoraalka cusub ee madaxweynaha ayaa muran xoogan gelinaya badda Soomaaliya, una gogol dhigaya in horraanta sannadka 2015 uu qarka u saaran yahay dhul-badeedka muranka la geliyey in lagu wareejiyo Kenya, sababtoo ah guddiga arrintaas go'aanka ka gaaraya waxaan xubin ka ah nin Keenyaati ah oo lagu magacaabo Simon Njuguna, kaas oo ahaa ninkii diyaariyey khariidadaha badda ee Kenya u gudbisatey QM. Waxana uu guddiga xadaynta badaha ka mid noqday June 2012, guddigaas oo ka kooban 21 xubnood.
http://somalitalk.com/badda/loos1.jpg
Webka UN: http://www.un.org/depts/los/clcs_new/commission_members.htm
Yaa arrintaas is hortaagi kara?
Waa baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah isugu yimaada kana dabataga qoraalka muranka gelinaya badda Soomaaliya ee madaxweynahu u diray UN, si la mid ah tii ay baarlamaankii hore ku diideen muran gelintii iyo heshiiskii MoU.
Waxaana la gudboon in baarlamaanku markaas ayidaan go'aankii golaha wasiirada ee June 6, 2013 ee qeexayey "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed ..." (go'aankaas hoos ka akhri.)
Madaxda Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in ay fahmaan in go'aamada ay qaataan inta ay dawladda ku jiraan, ama go'aamada ay taageeraan, in ay reebayaan cawaaqib (wanaag ama xumaan), kaas oo saamayntiisu gaari karto muddo dheer kaddib markay xukunka ka degaan ama siyaasadda ka haraan.
Faaladda SomaliTalk waxaad ka bogan kartaa halkaan http://somalitalk.com/badda/difaacid02.html
Copy link
WhatsApp
Facebook
Nextdoor
Email
X