Xafiiska Howlaha Guud ha noo dhiso jidka sodonka ee isku xidha 17aad ilaa Sheekh Nuur Cise

40

Let’s get to 50 signatures!
Petitions with 1,000+ supporters are 5x more likely to win!

The Issue

In ka badan 60% bulshada Jigjiga ayaa u baahi qabta adeegyada asaasiga ah joogtada ah, ee sida maalinlaha ah loogu baahdo, sida  goobaha caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada muhiimka ah ee kale. Jidka sodonka ee isku xidha 17aad ilaa Sheekh Nuur Ciise waa halbowlaha nolosha dadkan, hase ahaatee, xaaladdiisa ayaa horseedaysa caqabado adag oo saamayn ku leh nololmaalmeedka shacabka. Marka roobku da'o, jidku wuxuu noqdaa mid aan la mari karin, taas oo keentay in ay gaadhi waayaan adeegyada asaasiga ah.

Xafiiska hawlaha guud ee udub dhexaadka u ah hawshan waxa aan ka codsanaynaa jid   dhisaya, bedelaya, islamarkaana casriyeynaya jidka sodonka. Dhismahaan waxa uu noqon karaa mid hagaajinaya adeegyada bulshada sida caafimaadka, dhaqaalaha iyo waxbarashadu ay si buuxda ugu xidhan yihiin. Jidka oo hagaagsan wuxuu u fududeyn karaa shacabka Jigjiga in ay helaan adeegyada ay sida aadka ah u baahan yihiin si dhaqso ah oo dhib la'aan ah.

Tiro badan oo dadka deegaanka ahi waa kuwo aan heli karin baabuur la raaco, waana kuwo si joogto ah jidkan mara si ay u helaan adeegyada muhiimka ah. Jidka soddonku waa inuu noqdaa mid si habsami leh loo isticmaali karo  si dadku u gaaraan daryeelka caafimaad iyo adeegyada kale ee noolal maalmeedka.

Warbixinnada ka soo baxay hay'adaha  dhaqaalaha ayaa muujinaya in hagaajinta wadooyinku ay sababeyso kobcinta iyo hor-u-marinta dhaqaalaha maxalliga ah. Jidka soddonka oo la dhiso wuxuu fursad u siin karaa ganacsatada iyo dadweynaha kale in ay adeegyadooda kordhiyaan oo ay balaadhiyaan, taas oo ugu dambeyn wax weyn ka taraysa horumarinta guud ee bulshada.

Fadlan saxeex codsigan si loo xaqiijiyo in arrintaan degdeg looga hawlgalo, si loo dhiso Jigjiga tayo leh oo wanaagsan. Ma badna wakhtiga aan sugi karno! Jidka sodonka, dhismihiisa waa muhiim haddii aan rabno inay bulshadu horumar dhab ah gaadho.

Petition Updates

Share this petition

Petition created on September 11, 2026