Qalbi-Dhagax madaxda Itoobiya u dhiibtay waa in xilka laga qaadaa!!!

0 have signed. Let’s get to 500!


Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa uu dugsadaa qaranimada iyo dastuurka u yaala dalkeena Soomaaliya, kaasi oo damaanad qaadaya ilaalinta xornimada  Qowmiyadda Soomaaliyeed oo dhan,meelkasta oo ay uga nool yihiin gobollada dhulka Soomaaliweyn  ee gumeysigu kala qeybiyey. 

Sidaasi darteed, Abdikariim Qalbi-dhagax oo aan u bixinay "Qalbi-toosiye" in Itoobiya loo gacan geliyo waa qiyaano qaran oo dalka iyo shacabka soomaaliyeed laga galay, waxaana ay bar madow ku  tahay jiritaanka Soomaalinimo iyo islaamnimo, waxayna mugdi gelineysaa is weheshiga shanta Soomaaliyeed ee dastuurka inoogu qoran. 

Sidaasi darteed, Madaxda ka qeybqaadatay in muwaadinkaasi Soomaaliyeed gacanta loo geliyo dowlad naftiisa iyo maalkiisa cadow ku ah waa in degdeg xilka looga qaado, oo ay baarlamaanka labada aqal kalsoonida kala noqdaan.

Si gaar ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Abdillahi Farmaajo,Ra'iisul wasaare Xasan Cali , wasiirka Amniga  Maxamed Abukar Islow Ducaale  iyo Taliyaha nabadsugida Abdullahi Sanbalolshe, oo dhammaantood mas'uul ka ahaa howlaha la xariira gudbinta Abdikariim Qalbi-dhagax.

 Guri kasta oo Soomaaliyeed caawa waxaa ka oogan baroorta iyo murugada ka dhalatay dhiibista walaalkeen Abdikariim, waana in xanuunkaasi la dareensiiyo ciqaabtiisa kuwa gacanta ka geystay, waa haddii  la dhowrayo sharciga ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed. 

Waa farriin idin ka timid dhallinyaradda Soomaaliyeed, oo walwal ka qabta in iyagana berri dowlado kale laga iibsado. Maanta haddii aadan ka kicin dulmiga, berri  ayey kugu imaan. Sidaasi darteed, fadlan nala  Petition kan hiilka u ah mustaqbalkeena.

Haddii ay saxiixaan 10,000 oo shacabka Soomaaliyeed ah, waxaa horgeyn doonaa labada aqal ee baarlamaanka. Insha'allaah.



Today: Mohamed is counting on you

Mohamed Nuur needs your help with “Somali Youth Party : Qalbi-Dhagax madaxda Itoobiya u dhiibtay waa in xilka laga qaadaa!!!”. Join Mohamed and 489 supporters today.