Petition Closed
Petitioning Somali Goverment and 1 other

Protect all Historical and Heritage Sites and all surrounding areas.


454
Supporters

Somali (English below)

Waa arrin aad muhim u ah in la xifdiyo goobaha taariikhiga ah iyo dhaxal-maguurtada dalkeenna, taasoo ah mas'uuliyad qof kasta oo naga mid ah saaran. Balse ayaan darradu waxay tahay in dagaalladii sokeeye ee dalkeenna ka dhacay ay cirib tireen ama dhaawac weyn u geysteen goobaha taarikhiga ah ee dalkeenna.

Haseyeeshee, waxaan aamin sanahay in la gaaray xilligii uu qof waliba guntiga dhiisha isaga dhigi lahaa sidii loo badbaadin lahaa inta hartay si ay dhaxal maguurto ugu noqoto jiilalka soo koraya.

Tallaabooyinka ugu horreeya ee aan ku badbaadin karno waxaa ka mid ah in laga hortago in goobo-dhaxaleedka taariikhiga ah iyo agagaarkooda laga dhigo meelo ka caagan in si gaar ah loo lahaado haddii ay noqon lahayd shaqsiyaad, hay'ado waddani ah ama kuwo shisheeye ama laga dhisto dhismayaal gaar loo leeyahay.

Haddaba, baaqaan wuxuu si gaar ah ugu wajahan yahay Masaajidka Cabdulcaziz , dekeddii hore iyo xeebta Liido oo dhammaantood ku yaala Muqdisho oo leh taariikh fog, gaar ahaanna tilmaam u ah raad raaca taariikheed ee magaalada Muqdisho.

Hadaaba, waxaan dadweynaha soomaaliyeed ka codsaneynaa inay ka qaybqaataan Arjigan(petition) aan Dowladda Soomaaliyeed tooshka ugu ifineyno goobaha muhiimka ah ee taariikheed inaysan ka dhigan hanti gaar loo leeyahay.

Fadlan ku biir codsigan ; adoo buuxinaya sanduuqa loogu tala galay ra'yigaagagana ka dhiibanayo.

 Mahadsanid

It is greatly important we preserve Historical & Heritage areas. Unfortunately the war destroyed or damaged many, but we believe this is the time we should take care of what is remaining from the land surrounding the areas including beaches and not let individuals, parties or Foreign Governing bodies to build anything in or around the surrounding area. This petition is currently aimed at The Abdulaziz Mosque and the Old Port (Mogadishu, Lido Beach). These are great historical sites and many may say that both the Mosque and the Port can describe the origin of the city of Mogadishu.

 

Please join us in this petition to make the Somali Government know the importance of both sites to the people of the country whether currently based in Somalia or abroad.

Thank you.

Letter to
Somali Goverment
HeRo
To: Somali Goverment

Protect all Historical and Heritage Sites and all surrounding areas in all of Somalia. This petition is aimed at the Abdulaziz Mosque and the Old Port on Lido Beach.