BEESHA FIQISHINI XAQBAY U LEEYIHIIN HELIDDA SENATOR-KOODA

BEESHA FIQISHINI XAQBAY U LEEYIHIIN HELIDDA SENATOR-KOODA

Started
July 11, 2021
Petition to
MAXKAMADDA SARE and 2 others
Signatures: 182Next Goal: 200
Support now

Why this petition matters

Started by FIQISHINI

Beesha Fiqishini:-

Waa beel balaadhan oo deg-ta Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. Gaar ahaan beeshu waxay degtaa Gobalka Togdheer, Sool  iyo Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Beesha Fiqishini waxay Doorashadii Soomaaliya oo qof iyo cod ahayd ee markii ugu horeysay abid ka dhacday Soomaaliya, dhacdayna 1964 waxay kaheleen hal xildhibaan. Burburkii kadibna beeshu waxay Maamuladii dhismay gaar ahaan Somaliland ku lahayd xildhibaano illaa iyo maanta.

Intaas kadib, dhismihii Aqalka sare ee Soomaaliya 2016 oo ku salaysnaa Maamul Goboleed waxaa beesha kursigeeda Senator-ka kulayd in ay ka hesho Somaliland.

Ayaan darro 11-kii kursi ee Aqalka sare ee Somaliland oo beeshu kursi ku lahayd waxaa qaadatay si'aan sharci ahayn beel kale.

Hadana beeshu waxay si'sharci ah ku raadinasaa in ay hesho kursigeedi.

Cidna kama yeelaso in ay xaqeedii iyo matalaadii ay ku lahayd DFS in ay cid kale qaadato.

Olalahanna waa mid lagu raadinayo Senator-ka beesha kaga maqan Senators-ka DFS ee laga soo doorto Somaliland.

Beeshu waxay Maxkamadda Sare, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo GHDHF ka codsanayaan in ay joojiyaan doorashada aqalka sare Somaliland ee DFS illaa inta lahelayo kursiga beesha.

Support now
Signatures: 182Next Goal: 200
Support now

Decision Makers

  • MAXKAMADDA SARE
  • XAFIISKA RA'IISUL WASAARAHA
  • GUDDIGA DOORASHADA DADBAN