DAWLADA SOMALIA HA FURTO WADADA FIDOW- B/WEYNE #GeeriAmaNolol

0 have signed. Let’s get to 100!


Ku socoto:

Madaxwenaha, Raisul Wazaraha, Waziirka Gaashaandhiga, Waziirka Amniga , Madaxweynaha HirShabelle iyo Waziiradiisa, Xildhibaanada Labada gole iyo degaanka HirShabelle

Waxaa idinka codsanayaa in wadada dheer ee isku xirta jawhar iyo beledweyn in degdeg  loo furo.

Waxaa muddo ka shaqeynayay hawlaha baniaadanimo ee degaankan, waxaan ahay hooyo dareemeysa xanuunka hooyo kale ee caruurteeda ku hor dhimanayaan iyadoo arkaysa gaajo, haraad iyo xanuun.  Webigii waa guray maceeshada degaanadan waa meesha ugu sareyso Somalia oo dhan. Waxaa ka dilaacay shuban  biyood geeridu inta aan ognahay waa 15 u badan caruur iyo waayeel. Xoogaa yar oo dawo ah iyo raashin lagu qaaday diyaarad ma aha wax anfici kara degaanka.

Si gaar ah Madaxweyne Farmaajo waxaa ka codsanaynaa in muddo bil ah wadadaa lagu furo si loo badbaadiyo masaakiinta iyo caruurta ku la'anaya degaanada waxaa diyaar u nahay hadaan nahay samafalayaalka degaanka ka hawlgala inaan gaarsiino mucaawino laakiin wax walba waxa ka horeya in la helo meel loo marsiiyo

"Sanad walba sidaan u lahaa waa soo hagaageysa nolosha oo amni baa la helaya waxaa 7 sano oo aan soo dhaafay ku waayay lix caruura oo aan dhalay iyo aabahood 3 waa layga dilay, sadax xanuuno ayaa iga laayay aabahoodna dhiig kar buu udhintay hada laba ayaa ii joogto oo mid uu iga xanuunsanayo" ayay ku catawday hooyo degaanka ah

"Magaaladii waa ku haynwaayay baadiyana waa u halis sadaxdayda canug oo qaba xanuuno xaga maskaxda ah daryeel ayay u baahan yihiin caafimaad " ayay tiri mama kale oo iyaduba diih iyo xanuun ka muuqdo.

Deegaanada waxa ka dhaca dhacdooyin xanuun badan oo aan xataa la soo tabinin cabsi awgeed taasoo dadka gaar ahaan caruurta soo gaara. 

Fadlan caawi codsigan si aan u badbaadino caruurta iyo maatida

INTAAN KA BADAN MA AAMUSI KARNO  

Jamad Abdi



Today: Jamad is counting on you

Jamad Abdi needs your help with “Jamad Abdi: DAWLADA SOMALIA HA FURTO WADADA FIDOW- B/WEYNE #GeeriAmaNolol”. Join Jamad and 10 supporters today.