Hanaanka dawladnimo ee somaliland wuxuu qabsaday dhabihii SNM ay kula dagaalantay siyad barre

0 have signed. Let’s get to 100!


Tusmadan waxaan kuula wadaagayaa muwaadin sidaan dib u sixid wadaniyadi ku lamaan tahay ugu samayn lahayn tabashada iyo saluuga siyaasadeed ee wadankeena somaliland ka jira, una buuxin lahayn kaalinta inagaga haboon buuxinteeda.

Talaabadan isbedal doonka iyo talada qarankani xaqa inoogu leeyahay waa mid ka madax banaan aragti xisbi iyo dan shaqsi ah u gaar kana baaxad wayn.

Taas oo ah somaliland ka bed-qabta dhamaan qodobadii horseeday inay jabhadii SNM dagaal kala hor timaado dawladii soomliya kuwaas oo ay xukuumadaasi kula kacday shacabkan reer somaliland sababtayna markii dambe burburkii dawladii soomliya iyo in jamhuuriyada somaliland madax-banaanideeda dib ula soo laabatay 18/may/1991 shirkii Burco.

Dhibaatooyinkaas snm ay ka dagaalantay dhiig badanina ku qubtay dad aan tiradooda la koobi karina naftoodii ku waayeen kuwa u dhaawacmeen waxaa ka mid ahaa.

1. Cadaalad daro 2. Qaraabo kiil 3. Sad-bursi 4. Horumar la,aan 5. Qabyaalad 6. Nin jeclaysi iyo kuwo kale oo aan la soo koobi karin 

Hadaba waxay su,aasha is waydiinta mudani tahay qodobadaas SNM ay ka dagaalantay jamhuuriyada somaliland ma ka fogaatay ku dhaqankooda mise waa kuwo ilaa maanta wadankeena ka jira indhahana laga qarsanayo una baahan sidii meesha looga saari lahaa isla markaasna loo yagleeli lahaa somaliland la wada leeyahay dhibkeeda iyo dheefteedana loo wada siman yahay 

Sidoo kalena ka jawaabta dhamaan baahiyaha aasaasiga ah ee muwaadinku xaqa ugu leeyahay wadankiisa iyo xukuumada talada haysa kuwaas oo ay ka mid yihiin.

1. Waxbarasho bilaash ah 2. Biyo bilaash ah 3. Laydh 4. Caafimaad bilaash ah 5. Cadaalad loo siman yahay 6. Hogaanka dalka oo loo siman yahay 7. Horumarka dhaqaalaha dalka 8. Ganacsi xor ah loona siman yahay 9. Wadooyin casri ah 10. Shaqaalaha dawlada oo loo siman yahay qodobadan oo aan aaminsanay dhamaanteenba aynu tabayno cid maanta odhan kartaana ayna jirin waa kuwo aanay waxba ka jirin ama xaqiiqada ka indho-qarsan kartaa si daacadnimo leh marka looga hadlo.

Ka qayb qaado halgan ku dhisan wadaniyad, Aqoon, iyo Maskax caafimaad qabta iyo dib u noolaynta rajada iyo jiritaanka somaliland 

Save for our country save our children's future 

 



Today: Mohamed is counting on you

Mohamed Mahad needs your help with “Hanaanka dawladnimo ee somaliland waa mid qaaday dhabihii SNM ay ka dagaalantay”. Join Mohamed and 15 supporters today.