Dib u sixid geedi socodka siyaasadeed ee dalkeena

0 have signed. Let’s get to 100!


Waxaa dhibaatada ummadeena haysata ay u dhamaan la'dahay waa hogaaminta xun oo salka ku haysa qorsha qaldan oo ay beesha caalamku u jeexeen Somalia sanadkii 2000.

Qorshahaas oo ku salaysan in si qabyaaladaysan lagu saleeyo hogaaminta dalka iyo in isla xisaabtan aan marnaba lala beegsan cida talada haysa.

Taasi waxeey ku riday dalkeena dib u dhac wayn, waxaana arintaan waxyeelo ka soo gaartay malaayiin Soomaali ah.

Hadii aan la joojin nidaamkaas khaldan oo ay beesha caalamku daboolayso khaladkiisa waxaa sii socon doona dhibka ummadeena haysata waxaan waxyeeladu gaari doontaa meel aan laga soo kabsan doonin.

Shacabka Soomaliyeed waa ka quusteen in geedi socodkan siyaasadeed u horseedi karo dalkooda is bedel nuxur leh.

Saa awgeed waa in la hakiyaa qorshaha siyaasadeed ee dalkeena ka jira xiligan , waa in la hakiyaa wax kasta oo dhaqaalo ururin ku magacaaban oo khuseeya Somaliya, waana in mar kale loo jeexaa wadankeena qorsha kale oo kan haatan jira aan la mid ahayn oo niyad laga yahay, qorshahaas oo ay xudun u tahay aqoon, cadaalad iyo isla xisaabtan iyadoo laga faa'iidaysanaayo khaladaadkii hore ee dhacay.

 

 



Today: Abdiaziz is counting on you

Abdiaziz Mohamed needs your help with “Beesha caalamka qaybtooda maamula arimaha Soomalia: Dib u sixid geedi socodka siyaasadeed ee dalkeena”. Join Abdiaziz and 15 supporters today.